Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Ka Wada Hadleen Aqalka sare ee Soomaliya iyo QM?

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC}  Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qarabada midoobay Mudane Raisedon Zenega iyo Madaxa arrimaha siyaasadda ee UNSOM mudane Rohan Titus.

Guddoomiyaha iyo Ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qarabada midoobay waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, howlaha ballaaran ee horyaalla Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, dib ueegista Dastuurka KMG ah.

Waxa ay sidoo kale labada masuul kawada hadleen arrimaha shuruucda doorashada dalka iyo kaalinta Qaramada midoobay ay uga garab siin karto howlaha ballaaran ee horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Guddoomiyuhe Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Aqalka Sare u taagan yahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, inuu qaato kaalintiisa Dastuuriga ah ee isku xirka labada heer dowladeed iyo xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya laguna dhammeeyo khilaaf kasta wada hadal, heshiis iyo afgarad, isla markaana QM ay garab ku siiso Aqalka Sare gudashada waajibaadkaas.

WARARKA