Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Warar kasoo baxaya xariga Xildhibaan Maxamed Abiib xilli uu….

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Koomiishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland oo booqasho ugu tagay Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan uu xildhibaanku u helo cadaalada uu xaqa u leeyahay.

oraal kasoo baxay koomiishanka kadib booqashada ayaa lagu sheegay in uu Xildhibaan Abiib u sheegay in aanu garanayn waxa loo xidhay, isla markaana qalabkiisii iyo alaabtiisii ay booliisku la wareegeen, dhinaca kale waxa uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmay markii la qabanayay iyo imika oo uu jeelka Madheera ku xidhanyahayba.

“Koomiishanku waxa uu walaac ka muujinayaa xidhnaanshaha xildhibaanka oo golaha wakiilada ee uu ka tirsanaa ay diideen in laga qaado dhawrsanaanta, sidookale, in aan la tixgalin qodobka 27 (2) oo dhigaya xuquuqda horgaynta maxkamada awooda u leh muddo 48 saacadood ah” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa saaka markale cod caqlabiyad ah ku diiday waraaq uga timid xeer ilaaliyaha guud, xeer ilaaliyaha ayaa diiday in uu golaha hor yimaado, waxaana jira xildhibaano ku baaqaya in uu goluhu kalsoonida kala noqdo.

Hoos ka akhriso qoraalka koomiishanka oo faah faahsan:-

WARARKA