Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Nin isku dayay in uu khaarijiyo Trump oo dacwado lagu soo oogay

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Ninka looga shakisanyahay in uu isku dayay khaarijinta madaxwynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, xilli uu ku sugnaa beetiisa lagu ciyaaro golf-ka ee gobolka Florida ayaa Isniinti lagu soo oogay laba danbi.

Ryan Routh, oo ah 58 jir, ayaa shalay kasoo hor muuqday maxkamad heer federal ah oo ku taalla magaalada West Palm Beach, halkaas oo ay dacwad-oogayaashu ku soo oogen danbiyo kala ah in uu qori heystay isaga oo danbiile ah iyo in uu tirtiray nambarka aqoonsiga hubka.

Rowe ayaa la xiray 40 daqiiqo kaddib marki uu isku dayay in uu dilo madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, oo hadda u ordaya xilka madaxtinimada isaga oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga.

Waxay aheyd marki labaad oo uu Donald Trump ka badbaadayo isku day dil muddo laba bil gudahood.

Isku daygi hore ee lagu khaariji rabay Trump ayaa dhacay 13-ki bishi July, kaddib marki wiil dhalinyaro ahaa oo marki danbe ay ciidamada amniga dileen uu meel sare kasoo toogtay Trump, kaddibna ka dhaacay dhegta.

Weerarkaas ayaa waxaa duubay kaamirooyinka telefishannada Mareykanka oo tabinayay hadal-jeedin uu Trump kula hadlayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania.

WARARKA