Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa kasoo kordhay xaalada Garoonka Boosaaso?

Isniin 16-Sep-2024 {HMC}  Waxaa shalay xiisad ka jirtay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaddib markii halkaasi loo diiday in ay ka degaan diyaarado rakaab siday oo la sheegay in ay ku wajahnaayeen garoonkaasi.

Maamulka Puntland ayaana beeniyay in uu xirmay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, waxaana war kasoo baxay wasaaradda Duulista Hawada ee Puntland lagu shaaciyay in garoonka uu furan yahay ayna been tahay in uu xirmay.

Wararka aan saakay ka heleyno garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in diyaarad ay leedahay dhirkada Daallo Airlines ka degtay garoonkaasi, diyaarada ayaana waday rakaab kusii jeeday Boosaaso, waxa ay sidoo kale ka qaaday magaalada rakaab kale oo Muqdisho kusii jeeday.

Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa laga dareemay xaalad amni, kaddib markii dhawaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF soo saareen digniin ku wajahan garoonka oo ay sheegeen in iyaga loo diidsay in ay adeegsadaan .

Xiisad u dhaxeysay ciidamada PSF iyo ciidamada kale ee ka amar qaata Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni ayaa maalmahan ka taagan magaalada Boosaaso, waxaana socda dedaalo lagu doonayo in xiisada lagu qaboojiyo.

WARARKA