Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Somaliland oo sheegtay in cidda caqabada ku ah dhaqangalka heshiiskii ay la gaadhay Itoobiya.

Isniin 16-Sep-2024 {HMC} Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya iyo Jabuuti oo kali ahi ay kasoo horjeedaan is-afgaradka ay la saxeexatay Itoobiya.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Wasiirka Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dowladaha Urur Goboleedka IGAD anay kasoo horjeedsan heshiiska marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Heshiiska innaga iyo Itoobiya, adduunyada waxa kasoo horjeeda dalka Soomaaliya, waxa kale oo kasoo horjeeda dalka Jabuuti, Madaxweynaha Jabuuti, dalkale oo kasoo horjeeda male, 7 dowladood ayaa IGAD laysku yidhaah daayo, mid qudha oo leh heshiiskaasi waa xaaraan ma jirto” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay in Shirkii Shiinaha iyo Afrika uu Raysal Wasaaraha Itoobiya ka sheegay in heshiisku uu soconayo, inkasta oo dowlada Shiinuhu anay ku faraxsanayn heshiiskana, waxa uu sheegay in anay ka hadal.

Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in la dhamaystiray heshiiska, isla markaana dhawaan qalinka lagu duugi doono, sida uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, D.R. Ciise Kayd Maxamuud uu dhawaan u sheegay dibulumaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Somaliland.

Kadib is-fahanka Somaliland iyo Itoobiya, waxa kasoo horjeedsaday dowlada Soomaaliya oo iyadu xadgudub lagula kacay u aragta, sidookale urur dowladeedyada gobolka iyo Midowga Yurub, Maraykanka iyo Jaamacada Carabta ayaa diidmo ka muujiyay heshiiska.

WARARKA