Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

YEMEN oo gantaallo ku garaacday Israa’iil iyo xiisadda gobolka oo cirka is shareertay.

Isniin 16-Sep-2024 {HMC} Ciidamada Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in gantaal laga soo riday dalka Yemen uu ku dhacay Bartamaha Israa’iil, gaar ahaan dhul furan, waana halis kale oo ka soo cusboonaatay gobolka.

War qoraal ah oo Taliska ciidanka Israa’iil uu ka soo saaray arrintaan ayaa lagu sheegay in gantaal nooca dhul ka dhul ka gudba uu ku dhacay dhul furan oo ku yaala Bartamaha Israa’iil.

Israa’iil warkeeda kuma sheegin wax khasaare nafeed uu uu geystay gantaalka ay sheegeen in laga soo riday dalka Yemen.

Sidoo kale hoggaanka gudaha Israa’iil ayaa sheegay inay jirto digniin la xiriirta in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay soo galeen hawada Israa’iil, kuwaas oo laga soo kiciyay kurayaatka Shamuunah iyo magaalooyin kale oo ku dhaw xuduudda Lubnaan.

Wargeyska Times of Israel ayaa isna sheegay in digniino badan ay ka jiraan deegaannada Bariga Jaliil oo ay ku jiraan degmooyinka Madillah, Tel-Xawa, iyo Manaarah.

Warbaahinta maanta werisay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo laga soo kiciyay Lubnaan ay ku qaraxday tuulada Madillah ee xuduudda woqooyi ee dhulka Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay u kuur galayaan wararka la xiriira diyaaradaas, in kastoo ay sheegeen in cid wax ku noqotay aanay jirin, marka laga reebo burbur ay geysatay.

Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, diyaaradda aan duuliyaha lahayn ayaa qaraxday kahor inta aan laga dhawaajin codadka digniinaha bixiya.

Xaaladda gobolka ayaa cirka isku sii shareereysa, Xuutiyiinta Yemen oo ay taageerto Iran oo Israa’iil uu dagaal kala dhexeeyo ayaa loo arkaa kuwo daandaansanaya Israa’iil, horayna waxay u geysanayeen weerarro dhanka bada ah oo dunida saameeyey.

WARARKA