Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Booliska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigay nin dilay gabar haasaawe kala dhaxeeyay.

Isniin 16-Sep-2024 {HMC} Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Boliiska Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan inuu gabar dilay, kaasi oo ahaa Macalin Dugsi Qur’aan.

Eedeysanaha lasoo qabtay ee dilka gabadha loo heysto waxaa lagu magacaabaa Cabdicasiis Cismaan Maxamed (Sadaam), booliska ayaa sheegay in ninkaas loo heysto inuu ceego ku dilay Maa’ido Maxamed Axmed oo aheyd gabar 17 jir ah oo hasaawe kala dhaxeeyay.

“Waxaa socota baarista Boliiska, waxaana la horgey doonaa Maxkammada awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska gobolka Banaadir.

Hadaba sidee u dhacay dilka gabadhaas?

Gelinkii dambe ee shalay ayaa meydka gabadhaas lagu dhex arkay gurigooda oo ku yaalla degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir, waxaana la sameeyey baaritaan deg deg ah iyo dabagal dheer.

Garbar la dhalatay gabadha la dilay ayaa ka sheekeysay sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay in dilkeeda aan loo adeegsaday hub ee garaacis iyo ceeji lagu dilay.

“Gabadha madaxaa jug looga gaystay kadib waa dhiig baxday iyo ceeji loo gaystay ayay u dhimatay, iyada dhan wada dhiig ayay ahayd qof ayaa dilay kas cad ayuun u dilay” ayay tiri.

Gabadha ayaa intaas ku sii dartay “Dad ayaa lagu tuhmoowaa illaa haddana waa lagu raad-joogaa qaarna waa la haayaa waana tuhun lee.”

Wiilka lasoo qabtay wuxuu ahaa macalin dugsi oo deris la ahaa reerka ay dhabadhasi ka dhalatay, wuxuu ahaa nin aan laga shakin oo gabadha jeclaa, isla markaana imaa jiray xaafada, galab kasta.

Shalay galay wuxuu fursad ku helay gabadha, iyadoo kaligeed joogta Guriga, waxaana la sheegay inuu isku dayey inuu kufsado, inkastoo aan laheyn cadeyn rasmi ah.

Dilka kadib, Waxaa bilowday baaritaan culus, waxaana laga tixraacay kaamiradaha ku xiraa guryaha, iyadoo ugu dambeyntii ka ogaaday inuu yahay ninkaas, Aabihiis iyo Macalin kale oo dugsiga la dhigi jiray ayaa xalay xabsiga ku hoyday, ugu dambeyntiina waxaa galabta isagoo dhuumanaya laga soo qabtay xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile.

WARARKA