Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Shaqadii garoonka diyaaradaha Boosaaso oo istaagtay

Axad 15-Sep-2024 {HMC} Waxaa gebi ahaan hakad-gashay shaqada garoonka diyaaradaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF iyo maamulka Puntland.

Labada dhinac ayaa isku qabtay isticmaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso, kadib markii PSF ay sheegtay in laga hor istaagay in askar dhaawacyo ah ay ka dhoofiso halkaasi.

Intaas kadib taliska ciidanka PSF ayaa soo saaray hanjabaad culus oo uu ugu digay shacabka deggan aagga garoonka iyo diyaaradaha taga magaalada Boosaaso.

Shaqada joogsatay ayaa sidoo kale timid, kadib markii xalay ay PSF ku celisay digniinteedii hore, iyada oo intaas ku dartay in aanu weli xal rasmi ah laga gaarin arrinta garoonka, ayna u digayaan shacabka iyo shirkadaha duulimaadyada.

Arrintan ayaa sidoo kale keentay inuu baaqdo duulimaadyo ay maanta Boosaaso ku tegi lahaayeen Daallo Arline iyo Itoobiya Arlines oo cabsi ka muujiyay digniinaha soo baxay.

Puntland oo maalin kahor jawaab ka bixisay tallaabda ciidanka PSF ayaa hoosta ka xariiqday in wax xaalad ah aysan ka jirin Boosaaso, isla markaana ay tahay nabadgelyo.

“Waxaan rabnaa in shacabka magaalada in ay ogaadaan in aysan jirin nabad galyo xumo, waxaan uga digeynaa dadka nabad galyo darrada abuuraya in ay ka fogaadaan” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Bari.

Arrintan ayaa durbo dhalisay xiisad xoogan oo laga dareemay Boosaaso oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada PSF-ta iyo kuwa kale oo taabacsan madaxtooyada maamulkaas.

WARARKA