spot_imgspot_imgspot_img

Gantaal khasaaro geestay oo Lagu weeraray Tel Aviv

Axad 15-Sep-2024 {HMC} Weerar gantaalo ah ayaa saakay lagu qaaday magaalada Tel Aviv ee caasimadda maamulka Isra’il, waxaana weerarkan lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen khasaarooyin, waxaana magaalada ka bilowday khal kahl aad u xoogann.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen , ayaa ku weerarray magaalada Tel Aviv iyo bartamaha dhulka ay Israa’iil heysato gantaal ballistic ah , iyadoo si cad uu ugu guul-darreystay nidaamka difaaca hawada Israa’iil inay ka hortagaan gantaalkan lagu weeraray.

War kasoo baxay maamulka Israa’iil ayaa lagu sheegay in weerarkan ay ka dhalatay khasaaro dhaawacyo sagaal qof , balse ma jiro ilo madaxbannaan oo ka hadlay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan Xuutitiinta ku qaadeen Tel Avib.

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahisay in xilligan shirar xasaasi ah u socdo saraakiisha sare ee difaaca Israa’iil, iyagoo baaraya sida ay ugu suuragashay gantaalkan inay qaban waayeen nidaamyada difaaca oo aan xataa wax digniin ah ka bixin.

Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa marar badan weeraro ku qaaday dhulka Israa’iil maamusho, waxa ay sidoo kale Xuutiyiinta dalka Yemen weeraro ku qaadeen maraakiib ganacsi oo laga leeyahay Israa’iil, kuwaa oo mararyay badda cas.

WARARKA