spot_imgspot_imgspot_img

Ruushka oo shaaca ka qaaday tiknoolijiyad cusub oo awood leh

Sabti 14-Sep-2024 {HMC} Tiknolojiyadan ayaa ka Kyiev ka dhigaysa aag foolkaano ay ka dhacday oo lama degaan ah, sida uu sheegay madaxweynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev oo hadda ah ku-xigeenka golaha ammaanka Ruushka ee uu hoggaamiyo Putin.

Weerar nooca ah ayuu ku sheegay Medvedev inuu meesha ka saarayo adeegsiga bambooyinka nukliyeerka, balse beddelkeeda wuxuu sheegay inay hadda awood u leeyihiin inay Kyiv dhulka ka hoos mariyaan, haddii uu dulqaadku ka dhammaado, iyagoon adeegsan nukliyeer.

Ku dhawaaqistan ayaa u muuqata inuu Ruushka uga jawaabayo go’aanka ay NATO ugu oggolaanayso Ukraine inay adeegsato gantaallada riddada dheer, kuwaasoo dhalin kara khasaaro gaara magaalooyinka Ruushka.

Dhinaca kale, Sida laga soo xigtay wargeyska Wall Street Journal reer galbeedka ayaa ka walaacsan inuu Ruushka qaado tallaabo uu ku hubeynayo kooxda Xuutiyiinta Yemen, haddii NATO ay u oggolaato Ukraine inay adeegsato gantaallada riddada dheer.

Ruushka , wuxuu ku wareejin karaa Xuutiyiinta gantaallo awood u leh inay quusiyaan maraakiibta dagaalka, gantaallo riddo dheer, nidaamka difaaca iyo tiknoolajiyadda raaderada digninta bixiya

WARARKA