spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Gaashaandhigga & Wang Yu oo Muqdisho Ku Kulmay

Arbaco 11-09-2024 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan wax ku ool ah oo looga hadlay xiriirka iyo taageerada hanaanka dib-u-dhiska dawladeed ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan dhisidda awoodaha istiraatijiyadeed ee difaaca dalka.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu ayaa ku bogaadiyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed horumarinta iyo dadaalka xoogan ee dib u xoreynta, soo celinta aminiga iyo dib u dhiska Dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha kaalintooda ku aaddan taageerada joogatada ah ee Soomaaliya.

WARARKA