Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Diyaaradii ugu yaabka badnayd aduunka oo ka degtay garoonka Heathrow ee dalka UK

Talaado 10, Sept,2024 {HMC} Markii diyaarada Airbus Beluga ee loogu magac daray ‘diyaaradda aduunka ugu yaabka badan’ ay ku degtay garoonka Heathrow ee dalka Ingiriiska, dhammaan dadkii ku sugnaa garoonka iyo kuwii ka agdhawaa ayaa la yaabay qaabkeeda.

Diyaaradda Airbus Beluga, ayaa ah mid u eg ibiriga, waxa ayna garoonkaan ka soo dagtay maalintii Isniinta.

Diyaaraddaan ayaa la sheegay in ay ka soo duushay gegida Toulouse iyada oo sidda qaybo ka mid ah qalabka lagu dayactiro diyaaradda British Airways ee burburtay, taasoo ku xayiran Heathrow tan iyo bishii April, ka dib markii uu shil yar ka dhacay garoonka.

Airbus Beluga ayaa la filayaa inay ka baxdo Heathrow 11:40 pm xilliga dalka Ingiriiska waxa ayna dib ugu noqoneysaa garoonka Toulouse, sida ay sheegtay Flightradar24.

Xigasho BBC

WARARKA