Monday, September 23, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Tartanka Kubadda Cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir oo La daahfuray .

Sunday 8 Sep.  2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ka daah-furay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Cayaaraha ay muhiim uyihiin is dhexgalka bulshada, isla markaana loo baahan yahay in la dhiira-geliyo dhalinyarada, waxa uuna guul u rajeeyay dhamaan xulalka ka qeyb-galaya Tartanka gaar ahaan Xulalka Degmooyinka Heliwaa iyo Gubadleey oo galabta lagu furay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad.

Furitaanka Tartanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga XFS, Xildhibaano, Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Guddoomiyaha Kubadda Cagta Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo taageerayaal kala gedisan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

WARARKA