spot_imgspot_imgspot_img

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan loogu dilay Dalka Koonfur Afrika

Arbaco 4, Sep 2024 {HMC} Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in labo muwaadin oo Soomaali ah xalay siyaabo kala duwan loogu dilay xaafado ka kala tirsan magaalooyinka Pretoria iyo Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Kooxo hubeysan oon wali heybtooda la garan ayaa xalay magaalada Pretoria gaar ahaan xaafada Soomaalidu ku badan tahay ku dilay Cabdifitaax Caananuug, ninkan ayaana kamid ahaa ragga sida weyn looga yaqaanay magaalada Pretoria.

Ilaa hadda lama oga sabbata rasiga ah ee loo dilay muwaadinkan Soomaaliyeed iyo cidda dilkiisa ka dambeesay, ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Pretoria ayaana sheegay in ay wadaan baaritaanka dilka loo geestay Caananuug ayna rajeenayana in lasoo qabto raggii dilka geestay.

Dhinaca kale kooxo hubeysan ayaa iyana xalay deegaanka Mfuleni oo katirsan magaalada Cape Town waxa ay ku dileen wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Cabdiraxmaan Nuur , wiilkan la dilay ayaana lagu weeraray goob ganacsi uu ku sugnaa.

Kooxda dilka u geesatay muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa iyana la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen, waxaana booliiska magaalada Cape Town oo tagay goobta dilku ka dhacay bilaabeen baaritaanno lagu raadinayo kooxdii dilkaasi ka dambeesay.

Dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dilaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsatay, mana jirto cid wax iska weydiisa ama masuuliyad iska saartay sidii wax looga qaban lahaa dilalka loo geesto muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

WARARKA