spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka DFS oo xiray askari isbaaro u dhigtay dad shacab ah

Talaado 03-09-2024 {HMC} Ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir , gaar ahaan saldhigga degmada Dharkeenley, ayaa gacanta kusoo dhigay askari katirsan ciidanka dowladda, kaa oo muuqaal qarsoodi ah laga duubay xilli uu lacag isbaaro ah ka qaadanayay gaari nin shacab ah watay.

War kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada soo xireen eedeysane Faysal Ibraahim Samow, kaa oo ku eedaysan inuu isbaaro u dhigtay muwaadiin Soomaliyeed oo marayay deegaanka Weeydow .

”Annagoo fulinayna amarka madaxda Qaranka, waxaan markale uga digaynaa ciidamada kala duwan ee dowlada Soomaaliya in ay lacago baad ah ka qaadaan shacabka ” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska Soomaaliya.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale xalay magaalada Muqdisho kusoo bandhigay askar kale oo dhac u geesaneysay dad shacab ah, kuwaa oo watay mooto bajaaj, waxaa sidoo kale askartaasi muuqaal ka duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV.

WARARKA