spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Mareykanka oo Tababar Usoo Xiray Ciidan Ka Midnoqonayo Booliska DFS

Khamiis 29-August 2024 {HMC} Taliyaha ciidanka booliiska Soomaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin iyo safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, ayaa maanta tababar u soo xirey qeyb ka mid ah ciidanka booliiska Soomaaliya, kuwaa oo qeyb weyn ka qaadan doona sugidda amniga caasimadda.

Ciidankan tababarka maanta loo soo xiray ayaa ah kuwa loogu tala galay bar hubinta guur guurta ama {Checkpiont-yada Guur Guura } ee booliiska Soomaaliyeed, waxa ayna ka howlgali doonaan degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedkeeda.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa sheegay in ciidankan cusub diyaar u yihiin in ay kaalintooda ka qaataan sugidda amniga Muqdisho, waxa uuna xusay in ciidankan yihiin kuwa guur guura oo hadba meel ka shaqo gala.

Ciidankan maanta tababarka loo soo xiray ayaa kusoo biiraya ciidamada hadda suga amniga caasimadda Muqdisho, waxa ayna ciidamadan oo tababar sara qaba marba meel magaalada kamid ah ka howlgali doonaan, iyaga oo gaadiidka iyo mootooyinka baaritaanno ku sameyn doona iyo dadka laga shakiyo.

WARARKA