spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Hay,adda Qoxootiga oo Kulamo Ka Wado Magaalada Laascaano iyo….

Khamiis 29-August 2024 {HMC} Wafdi Ka socda Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka labbaad ee Hay’adda Mudane Mohamed Abdullahi Salad oo Safar shaqo ku jooga Magaalada Laascaano ayaa ka daahfuray kulamo wadatashi ah oo lala yeelanayo Bulshada iyo Maamulka KHAATUMO, kuwaas oo diiradda lagu saaray istaraatiijiyadda Qaran ee ilaalinta, Taakuleynta iyo Xalka-waara ee Barakacaaysha, Qaxootiga, maggangalyo-doonka iyo dadka soo guryo noqdey.

{Kulamadan oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Maamulka KHAATUMO oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta KHAATUMO ayay ku soojeediyeen talooyin wax ku ool ah oo aad u wanaagsan kuwaas oo ku aadan maareynta Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku nool Deegaanada KHAATUMO, Guddoomiye Mohamed ayaa dhankiisa tilmaamay ahmiyadda gaarka ah oo ay Istaraatiijiyadan u leedahay Bulshada gargaar sugayaasha ah iyo sida qeyb uga qaadan karto in lahelo hanaan wadajir ah oo taageero loodhanyahay loogu sameyn karo.

Dhanka kale Wafdiga ka socday Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa booqasho ku tagay deegaanka Ari-caddeeye oo 30KM u jirta Magaalada laascaano halkaas oo ay kula kulmeen qaar ka mid ah dadkii ka soo barakacay dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanadaas, kuwaas oo ay ka wadahadleen sidii taakuleyn buuxda loo gaarsiin lahaa, loogana caawin lahaa baahiyaha nololeed oo ka jira Deegaanka.

WARARKA