spot_imgspot_imgspot_img

Saameynta Canshuuraha cusub ku yeelatay Isbitaalada oo laga yeeshay Shir Xasaasi ah

Arbaco 28, August 2024 {HMC} – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS ahna kusimaha Wasiirka, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud ee Dakhligai ayaa shir muhiim ah xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa ay kula qaateen maamulayaasha iyo agaasimeyaasha Isbitaalada Muqdisho qaarkood.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida canshuurta gadista ay u saameysay adeegyada caafimad ee ay bixiyaan Isbitaalada magaalada iyo in dowladda ay siiso tixgalin gaar ah xarumaha caafimadka si lamid ah wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Africa.

Masuuliyiintii Wasaaradda Maaliyadda ee kulanka goobjooga ka ahaa ayaa dhankooda balanqaaday in ay howshan si cilmiyeysan u eegayaan, iyada oo la siinayo bahda caafimaadka tixgalinta ay mudanyihiin, kulankuna waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad.

Canshuurta gadista ee lagu soo rogay ganacsatada ayaa waxaa qeyb ka ah isbitaalada kuyaalla magaalada Muqdisho, iyada oo xusid mudan tahay in dowladda aysan dadkeeda siin adeeg caafimaad, haddana dadka danta yar ee isbitaalada adeegga u doonta kusoo rogtay canshuiur dheeraad ah in ay bixitaan.

WARARKA