spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} RW DFS oo ka mahadceliyay taageero ay QM u fidisay Soomaaliya

Axad, 25, Agoosto, 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha QM iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada.

Xamse Barre ayaa muujiyey sida ay Xukuumadda Dan Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso Qaramada Midoobay, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

 

WARARKA