spot_imgspot_imgspot_img

RW Hore oo Ka Hadlay Qarax AS Ku Xireen Suuq Ku Yiilay Ceelasha Biyaha

Axad, 25, Agoosto, 2024 {HMC} Ra’isul Wasaarihii hore Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka murugooday qaraxyo xalay Al Shabaab ku xireen suuqyo ganacsi oo kuyaalla deegaanka Ceelasha Biyaha, qaraxyadaasi ayaana sababay in ay gubtaan goobo badan oo ganacsi.

”Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda ku waysay dabkii ka kacay qaraxyadii ay xalay argagaxisadu la beegsadeen suuqa Marwa ee deegaanka Ceelasha Biyaha. Waxaana Alle u waydiinayaa in uu ka samarsiiyo, uguna beddelo hanti ka kheyr badan” ayuu yiri Kheyre.

Xasan Kheyre ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in ay xil iyo masuuliyad gaar ah iska saarto ilaalinta nafta iyo hantida ganacsatada loo dhibaateynayo fulinta amarkii ay dowladdu ku siisay in ay kaamiro ku xiraan ganacsiyadooda, si ay uga qeybqaataan sugidda amniga dalka.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale bulshada Soomaaliyeed , gaar ahaan ganacsatada wax heesata ugu baaqay in ay garab istaagaan oo ay taageeraan ganacsatadii xalay Al Shabaab ka bur buriyeen kana gubeen hantidooda ,

Al Shabaab ayaana xalay miinooyin ku xirtay goobo ganacsi oo kuyaalla suuqa Ceelasha Biyaha, qaraxyadaasi ayaana sababay in dab ka kaco ayna gubtaan qeybo kamid ah suuqa Ceelasha Biyaha , gaar ahaan duuqa weyn ee Marwa.

WARARKA