spot_imgspot_imgspot_img

Soomaliland oo Si Cad Uga Hortimid Amar Horay Uga Soo Baxay DFS

Axad, 25, Agoosto, 2024 {HMC} Maamulka Somaliland ayaa si adag uga jawaabay amar kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku socday qaar kamid ah shirkadaha xawaadalada dalka, kuwaa barahooda bulshada ku qaran yihiin Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo sidii dal oo kale u aqoonsan.

Wasiirka Warfaafiuta maamulka Somaliland Cali Cali Xasan Maxamed {Mareexaan}, ayaa si adag uga horyimid qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya, waxa uuna sheegay wasiirka in amarkaasi uusan ka soconeyn gudaha Somaliland.

“Waxaan u aragnaa in beryahan in dagaaladaa iyo cadaawadaa wadeen oo waraaqo qor qoreeyeen. Haddii dowdladii Siyaad Barre ay magaca Soomaaliya u isticmaashay in dalka Somaliland ku burburiso kuwaan iminka oo aan itaal hayn inta ay awooddi karaan waa inay dunida iyo shirkadaha warqado u qorana intay awooddayaan ay dagaal ka dhigayaan” ayuu yiri wasiir Cali Mareyxaan.

Waxa uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland in uusan shaqeyn doonin amarka ah in shirkadaha barahooda ka saaraan magaca Somaliland laguna qoro magaca Soomaaliya, waxa uuna xusay wasiirka qoray warqada uu rabo in uu xiriir la sameesto shirkadaha uu carrabaabay.

“Inaad shirkad shaqaysanaysa oo ganacsanaysa oo waxeeda wadata aad tiraahdo magacaas ka saar magacaasna ku qor waxay tahay waxaan Somaliland ka soconayn, iyada waxaan u arkaa wasiirka qoray nin doonaya in shirkadaha dareenkooda soo jeediyo oo uu e xiriir ka samaysto laakiin xagayaga wax macno ka samayna maaha” ayuu yuri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland ayaa si cad u sheegay in aysan jiri karin shirkad fulin karta amarka dowladad Soomaaliya kasoo baxay, waxa uuna xusay in shirkadii amarka Soomaaliya dhaqangalisa ay dambi ka galeyso Sonmaliland.

“Annagu waa u sheegnay shirkada dhaqangalisa waxaas, Somaliland oo dhan danbi ayey ka galeen taas qofkasta waa garanayaa, shirkaha oo dhan ciidamo Soomaaliland ayaa albabaadooda tagaan xagee buu ka yiri ninka leh magaca Somaliland ha ka saareen yuu maamulaa” ayuu intaas raacnay wasiir cali

Shirkadaha dowladda Soomaaliya amarka kusoo rogtay ayaa xarumo waa weyn ku leh deeaannada maamulka Somaliland, waxaana shirkadahaasi dhibaato kasoo gaari kartaa fulinta amarka dowladda, iyada oo sidoo kale dhibaatooyin kalana kasoo gaari karaan diidmada amarka dowladda Federaalka.

WARARKA