spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Rag ku eedeysan xaalufinta Dhirta oo gacanta lagu dhigay

Sabti 24, August 2024 {HMC} Ciidamada booliiska maamulka Puntland ayaa howlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay labo nin oo ku eedeysan in ay ku guda jireen xaalufinta dhirta, taa oo horey looga mamnuucay deegaannada uu ka taliyo maamulka Putland.

War kasoo baxay booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in ay soo qabteen labo eedeysane oo lagu kala magacaabo Cabdinasir Caddaw Maxamed iyo Cali Aadan Ibraahim, raggan ayaana xilligii la qabanayay gacanta kula jirey xaalufinta dhirta kaymaha xoola daaqeenka iyo dhir jaris ay ku hayeen deegaanka.

Raggan ayaana laga soo qabtay deegaan kuyaalla gobolka Mudug, waxaana raggan jareen dhir badan iyagoona shiday kaddibna ka dhigayay dhuxul ay doonayeen in ay ka iibiyaan dadka degan deegaanno katirsan gobolka Mudug.

Booliiska Puntland ayaa sheegay in ay sii wadayaan la-dagaallanka dadka ka shaqeenaya xaalufinta dhirta, waxa ayna digniin adag u direen dadka ku howlan xaalufinta dhirta , waxa ayna sheegeen qofkii lagu qabto in ciqaab adag la marsiin doono.

WARARKA