Sabti 17, Aug 2024 {HMC} Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland ayaa cadaysay mowqifkeeda ku aadan dhaqangalinta canshuurta gadidda 5% ee ay bilowday Wasaaradda Maaliyadda XFS.
“Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland waxa ay caddeynaynsaa in aysan qayb ka aheyn tallaabada ay kaligeed qaaday Wasaaradda Maaliyadda ee DFS ee ku aaddan dhaqangelinta canshuurta gadidda 5%, maadaama aan la tashi lagala sameyn Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Jubbaland oo qayb ka ah dowladaha xubnaha ka ah DFS” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Maaliyada Puntland.
HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY JUBBALAND.