spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir Xoosh oo Daahfuray Shirka Aqoonsiga dhijitaalka ah ee dalka.

Sabti 17, Aug 2024 {HMC}  Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf {Cali Xoosh} ayaa daahfuray shirka wadatashiga qiimaynta qaab dhismeedka sharci iyo kaabayaasha aqoonsiga dhijitaalka ah ee dalka.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaal, Agaasimeyaal ka tirsan Hay’adaha dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay (UNDP) iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Shirkan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, iyadoo lagu soo bandhigi doono cilmi-baarisyo qoto dheer, talooyin iyo qorshayaal muhiim ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka aqoonsiga dhijitaalka ah.

WARARKA