Jimco 16, Aug 2024 {HMC} Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Axmed Siciid Maxamed, ayaa xarigga ka jaray dhismaha bar-xuduudka degmada Feer-Feer ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan dhaca xadka Itoobiya iyo Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Ha’yadda Socdaalka oo ka hadlay munaasabadda xarig jarka ayaa sheegay in uu dhameystiran yahay guud ahaan qalabkii lagu hubin lahaa dadka ku safraya xuduudka, taas oo qayb wayn ka ah amniga guud ee dalka.
Sidoo kale, waxa uu Agaasimaha Guud sheegay in Hay’addu wado qorshayaal kale oo lagu horumarinayo dhismayaasha bar-xuduudeedyada dalka laga soo galo, taas oo qayb ka qaadanaysa la socodka dhaq dhaqaaqa socdaalka iyo ilaalinta xudduudaha dalka.
Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Bar-xuduudeedka degmada Feer-Feer ee gobolka Hiiraan ayaa kamid ah marinada laga soo galo wadanka, waana bar uu isaga kala gudbo ganacsiga ladabada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sida gaadiidka wada badeecadaha kala duwan.