Monday, September 30, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{WARBIXIN} Maxay tahay doorka gacansatadda Baladweyne ay ku lee’yihiin fatahaada soo laalaabatay?

Jimco 16 Aug 2024 {HMC} In ka badan nus million qof oo ku nool Baladweyne ayaa ku tiirsan biyaha wabiga Shabelle oo mara bartamaha magaalada.

Baladweyne malaha goobo loogu talagalay in qashinka lagu uruuriyo ama lagu gubo waxana ay taasi sabatay in ganacsatada magaalada ay fursad u arkaan goobta Kaliya ee ay geeyn karaan qashinka ay ka qaadaan goobohooda ganacsiga in ay tahay wabiga Shabelle .

Wabiga ayaa keyd unoqday qashinka laga qaado goobaha ganacsiga iyo Xaafadaha udhaw Wabiga .

Qashinka ayaa fariistay goobihii lagu shubay isaga oo qayb ka qaata fatahaada kusoo laalaabatay Baladweyne.

Maamulka degmada iyo kan gobolka ayaa lagu eedeeyaa in ay ku guuldareeystay xal u helida qashinka Wabiga lagu shubo.

Ganacsatada ayaa dhankooda ka gaabiyay in si isxilqaan ah lagu ilaalinayo nadaafada wabiga, qashinkana loogu sameeynayo goobo u gaar ah.

WARARKA