spot_imgspot_imgspot_img

Kulamo xal loogu raadinayo xaaladda Baladweyne oo wali ka socda magaaladda Jowhar.

Jimco 16, Aug 2024 {HMC} Wali waxaa magaaladda Jowhar ku sugan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas maalmihii dambe waday kulamo xal loogu raadinayo xaalada magaaladda Baladweyne oo Wax kaqabashadda amniga ay ugu horeyso.

Xildhibaanadaas waxaa ka mid ah Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah golaha shacabka, wareysi uu siiyay Hiiraanweyn ayuu ku sheegay in madaxda sare ee Hirshabelle ay isla meel dhigeen in ay imaadaan Baladweyne wada jirna loo wadaho isbadalka ay u baahan tahay magaaladda.

Kooxaha dhaca iyo dilalka geysanaya ayuu sheegay in ay magac xumeynayaan ciidanka macawisleydda ee guulaha kasoo hooyay Dagaaladii ka dhanka ahaa AS ee ka dhacay Gobalka Hiiraan.

Siyaasiyiinta diidan in masuuliyiinta Hirshabelle uga wakiil ka ah gobalka Hiiraan loo madax banaaneeyo shaqadooda ayuu ku eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin kuwa hormuudka ka ah dhibaatadda ay wajaheyso Baladweyne.

Ugu dambeyn Daahir Amiin Jeesoow ayaa ku baaqay in wada jir loo wajaho nabadeynta iyo isku heyn dadka wada daga Hiiraan loona midoobo xoreynta galbeedka Gobalka oo inta badan hadda gacanta ugu Jirta AS.

WARARKA