Arbaco 14 /08/ 2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa maanta xarunta taliska ciidanka xoogga dalka kulan kula qaatay safiirka Dowladda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa safiirka UK ee Soomaaliya kala hadlay qorshaha dhismaha ciidanka xoogga, dib u habeynta xerooyinka ciidanka iyo sare u qaadista taageerada dowladda UK ee dhanka Milateriga.
Danjire Michael Nithavrianakis, ayaa taliyaha ciidanka xoogga dalka u ballanqaaday in dhinacyo badan ka taageeri doonaan ciidanka xoogga, gaar ahaan dhinaca tababarada , saadka iyo horumarinta, waxa uuna ammaanay guulaha ciidanka ka gaarayaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.
Dowladad Ingiriiska ayaa kamid ah dowladaha taageerda dib u dhiska ciidanka xoogga Soomaaliya, waxa ayna Ingiriiska gudaha Soomaaliya ku leeyihiin xeryo lagu tababaro ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed.