spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu Yahay shirka isla xisaabtan ee uu Shir guddoomiyay ah Duqa Muqdisho?

Arbaco 14 August 2024 {HMC} – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa guddoomiyay shirka Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirkaan oo ahaa mid isla xisaabtan iyo kala war-qaadasho ayaa looga hadlay dar-dargelinta shaqooyinka Dowladda Hoose ee Xamar, tayeynta shaqaalaha iyo sidii looga dhabeyn lahaa qorshayaasha hor-tabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinaayo Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in la joogteyn doonno isla xisaabtanka Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir, si loo dar-dargeliyo adeegyada loo haayo shacabka, isla markaana ay Howlwadeenada si hufun u gutaan waajibaadkooda shaqo.

WARARKA