spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Israel oo iskuul ku leysay Shacab Ubadan Caruur iyo Dumar

Sabti 10, August 2024 {HMC} Dad ka badan 100 qof ayaa ku dhintay duqayn cirka ah oo ay Israa’iil saaka waaberigii ku qaaday meel gabbaad ah oo ku taal iskuul ku yaalla magaalada Gaza.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen goobtaas sabtidii, iyagoo ku tilmaamay bartilmaameedkooda xarun taliska Xamaas oo ku dhex taal iskuulka.

Sida laga soo xigtay wakaaladda difaaca madaniga ah ee Gaza, duqaynta ka dhacday degmada Daraj waxaa ku dhintay ugu yaraan 103 qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

“Dhimashadu waxay hadda u dhaxaysaa 100 ilaa 110, waxana jira tobanaan kale oo dhaawacyo ah halis qaba,” ayuu afhayeenka wakaaladda Mahmud Bassal u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

“Saddex gantaal oo Israa’iili ah ayaa ku dhacay iskuul ay degenaayeen Falastiiniyiinta soo barakacay.” ayuu intaas ku daray

Mar sii horeysay qoraal uu soo dhigay Telegram-ka ayuu ku sheegay in goobta ay ka dhaceen xasuuq aad u fool xun, isagoo sheegay in shaqaalaha ay isku dayayeen inay xakameeyaan dabka, si ay u badbaadiyaan dadka dhaawaca ah, isla markaana ay u soo saaraan meydadka.

Muuqaal uu telefishinka Al-jazeera ka soo bandhigay iskuulka ay saaka duqeymaha ka geysatay Israa’iil , xilli ay salaadda subax ku jireen dadka rayidka ah ee gabaadka ka dhigtay iskuulka Al-Tabaciin ee bartamaha Qasa ayaa waxaa ka muuqda baliyo dhiig ah oo qulqulaya iyo meydad gogo’ay oo meel welba daadsan

Dhimashada ayaa saacad walba kordhaysa, sababo la xiriira dhaawacyada culus ee duqeyntan ka dhashay. Wariyaha Al-jazeera wuxuu sheegay in xasuuqa goobta ka dhacay uu yahay mid fool xun oo wax lagu sifeeyo aysan jirin.

WARARKA