spot_imgspot_imgspot_img

Wararki ugu danbeeyay ee rabshadihi maalmahan ka socday Ingiriiska

Jimco 09 August, 2024 {HMC}  Booliiska dalka Ingiriiska ayaa heegan sare ku jira, iyadoo dalkaasi uu wajahayay toddobaad ay ka dhacayeen rabshado baahsan oo meelo kala duwan oo dalkaasi ah kooxo cunsuriyiin ah ay ku beegsanayeen Muslimiinta iyo dadka kale ee muhaajiriinta ah.

Banaanbaxyo dheeri ah oo ay ku baaqeen kooxaha midigta fog ee ka soo horjeeda muhaajiriinta ayaa baaqday ka dib markii booliis xooggan la daadgureeyey iyo banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo cunsuriyiinta oo iyana dalkaasi ka dhacay.

Dowladda ayaa sheegtay in wali ay si taxaddar leh ula socoto xaaladda ka dib maalmo rabshado ah oo dalkaasi hareeyey.

WARARKA