spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliland oo ka carootay si adagna uga hortimid hadal kasoo yeeray Dowladda Masar

Khamiis 8 August 2024 {HMC} Soomaaliland ayaa dhibsaday si adagna uga horyimid hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, kaa oo caddeeyay in dowladiisa kasoo horjeedo heshiis beenaadkii ay gaareen Soomaaliland iyo  Itoobiya.

 

War kasoo baxay Soomaaliland ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin hadalka kasoo yeeray dowladda Masar, waxa ayna sheegeen in hadalkaasi uu ahaa mid marin-habaabin oo wax loogu dhimayo madaxbannaanida Soomaaliland.

 

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aad uga xun tahay hadalka ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka masar oo ay shir jaraa’id si wadajir ah u qabteen dhigiisa dalka Turkiga.

 

Waxaanay caddaynaysaa in hadalladaasi oo khuseeyay arrimaha heshiiska is-fahan ay yihiin qaar aan sax ahayn, oo marin-habaabin ah isla markaana aan xushmaynayn xuquuqda madaxbannnaanida ee Soomaaliland” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Soomaaliland.

 

Soomaaliland ayaa ku celisay in ay ka go’an tahay inuu fulo heshiiska is fahan ee la galeen Itoobiya, . waxa ayna heshiiskaasi Somaliland tilmaantay in uu tiir dhexaad u yahay xasilloonida gobolka iyo iskaashi dhaqaale oo hor leh.

 

”Waxaa lama huraan ah in la caddeeyo in Soomaaliland aanay ahayn waligeedna aanay noqon qayb ka mid ah  Dowladda Soomaaliya. Waana dal madaxbannaan oo leh taariikh qani ah, dhaqan iyo hay’ado Dimuqraadi ah” aya alagu yiri warka kasoo baxay Soomaaliland.

 

Hadalka Soomaaliland kasoo baxay ayaa intaa ku daray ” Xukuumadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa dawladda Masar inay ixtiraamto madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliland.

 

Waxaanu xasuusinaynnaa dawladda Masar inay tamarteeda iyo dedaalladeeda diblomaasiyadeed ay ku jihayso dalalka ay xuduudaha wadaagaan ee dhibaatooyinku ka taagan yihiin sida Liibya, Suudan, Falastiin iyo Lubnaan” ayaa lagu yiri warka Soomaaliland.

 

Dowladda Masar ayaa kamid ah dowladaha sida weyn uga horyimid heshiis ay gaareen Somaliland iyo dowladda Itoobiya, waxa ayna Masar taageero iyo garab istaag u muujisay dowladda Federaalka Soomaaliya oo heshiiskaasi waxba kama jiraan ku tilmaantay.

WARARKA