spot_imgspot_imgspot_img

DFS oo War kasoo Saartay Nidaaamka Jaamacadaha ee Mudada Waxbarashada

Arbaco 07\08/ 2024} Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku shaacisay in ay dib u eegis ku sameysay go’aan horey wasaaradda u soo saartay sanandkii 2019-kii, kaa oo ahaa in aan la aqoonsan doonin waxbarasho jaamacadeed oo ka yar muddo 4-sanno ah .

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu shaaciyay in laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 07, Agoosto, 2024, la oggolaaday in la tasdiiqiyo shahaadada saddexda sanno ah, ee ardaydii ka qalinjabisay jaamacadaha dalka, sannad dugsiyeedkii 2023-2024, iyo wixii ka horreeyay.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya in aanan marna la aqbali doonin hadda kaddib shahaado saddex sanno ah, wixii ka danbeeyo sannad dugsiyeedka 2023-2024..

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada ayaa jaamacadaha dalka ku fartay in ay u hoggaansamaan fulinta go’aankii Wasaaradda ee soo baxay Maarso, 2019, kaasoo ay ku caddahay inaan la aqoonsan doonin shahaado jaamacadeed oo ka yar 4 sanno.

WARARKA