Arbaco 07\08/ 2024} wasiirka Warfaafinta ee XFS Daud Aweys Jaamac ayaa sheegay in DFS ay ku deeqeyso nus malyuun dollar oo wax loogu qabanayo daryeelka caafimaadka ee dadkii ku waxyeeloobay weerarkii ay AS ku qaaday xeebta Liido.
Wasiir Daud Aweys Jaamac oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho maanta ayaa waxa uu sheegay in shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada ku yeesheen magaalada Muqdisho ay ku go’aamiyeen in nus malyuun doolar lagu kabo si loogu kaabo daryeelka caafimaadka dadkii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay masiibadii ka dhacday Xeebta Liido.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Da’ud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Golaha Wasiirada oo uu ugu horeeyo R/wasaare Xamze Cabdi Barre ay go’aamiyeen in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalinteeda ka qaadato gurmadka socda.
Daa’uud Aweys ayaa u tacsiyadeeyay ehellada, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii ku waxyeeloobay masiibada Xeebta Liido isagoo u mahadceliyay dadkii ka qeyb qaatay gurmadka caafimaadka ee loo fidiyay dhaawacyada.