spot_imgspot_imgspot_img

Maxee Yihiin Waxa Lagula Xisaabtamay Wasiir Cali Xoosh iyo Guddoomiye Madaale?

Talaado 06 August, 2024 {HMC} Guddiga arrimaha gudaha,amniga iyo maamul goboleedyada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan su’aalo weydiin ah xafiiskiisa Villa Hargeysa kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo dib U heshiisiinta ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali {Xoosh} iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale}, waxaana kulanka shir guddoomineysay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh.

Ugu horreyn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho, ayaa guddiga warbixin ka siiyay shaqooyinka wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa wasiir Cali Xoosh iyo Guddoomiye Madaale weydiiyay su’aalo ku saabsan shaqooyinka wasaaradda iyo maamulka gobolka Banaadir ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan oo ay ka mid yihiin xaaladda ammaanka ee dalka, gaar ahaan dhacdoiyinkii ugu dambeeyay ee magaaladda Muqdisho ka dhacay oo ay ka mid tahay weerarkii khawaariijta ku qaadeen xeebta Liido.

Dhinaca kale wasiirka Arrimaha Gudaha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa ka jawaabay su’aalo uu guddiga weydiiyeen, ,waxa ayna sheegeen in ay dardargelin doonaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha,amniga iyo maamul goboleedyada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh oo kulanka soo xirtay ayaa u mahadcelisay wasiirka iyo guddoomiyaha gobolka, waxa ayna sheegtay in kulankan uu ka mid yahay isla xisaabtan uu guddiga la yeelanayo hay’adaha kor joogteyntoodu uu leeyahay kulamada kor joogeynta ahna sii socon doonaan.

WARARKA