spot_imgspot_imgspot_img

Ra’isul Wasaarihii dalka Bangaladesh oo is Casishay

Isniin 05 August, 2024 {HMC} Ra’isul Wasaarihii Bangaladesh Sheikh Xasina , ayaa iska casishay xilkii ay heysay kana carartay dalkeeda, kaddib dibadbaxyo xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo maalmo badan ka socday qeybo badan oo kamid ah dalka Bangaladesh.

Dad careysan oo u badnaa dhallinyaro ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhigayay dibadbaxyo rabshado watay oo ay uga soo horjeedeen dowladda ay hoggaamiso Sheikh Xasina, waxa ayna dibadbaxayaasha ugu baaqayeen in ay is casisho.

Ciidamada ammaanka dalka Bangaladesh ayaa toogtay qaar kamid ah dadkii dhigayay dibadbaxyada, waxa ay sidoo kale ciidamada xireen dhallinyaro badan oo hormuud u ahaa dibadaxyada looga soo horjeeday Ra’isul Wasaare Sheikh Xasina.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sheikh Xasina markii ay is casishay kaddib ay ka carartay madaxtooyada, waxaana la sheegay in diyaarad gaar ah oo Helicopter ah in ay u qaadatay dalka Hindiya oo jaar la ah Bangaladesh.

WARARKA