Isniin 05 August, 2024 {HMC} Dowladda Mali ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jartay dowladda Ukraine , kaddib markii ay ku eedeesay in Ukraine ay gacan ka geesatay dagaal askar badan lagu dilay oo ka dhacay meel u dhaw xadka ay wadaagaan dalalka Mali iyo Aljeria.
Sargaal katirsan milatariga Mali ayaa sheegay in dagaal ay la galeen kooxo argagaxiso ah ay door ku laheyd dowladda Ukraine, waxaana dagaalkan lagu dilay askar badan oo katirsanaa milatariga Mali iyo koox calooshood u shaqestayaal u dhashay Ruushka oo katirsan Wagner.
Afhayeenka sirdoonka milatariga dalka Ukraine Andriy Yusov,, ayaa todobaadkii hore sheegay in fallaagada dagaalka kula jirta ciidamada Mali iyo kooxaha caawinaya la siiyay xogta lagama maarmaanka u ah si ay u fuliyaan weerarada.
Korneyl Abdoulaye Maiga, oo katirsan milatariga Mali ayaa isna sheegay in aad uga naxeen sheegashada Ukraine ee ah in gacan siiyeen kooxaha cadawga ah ee kasoo horjeeda, waxa uuna ku eedeeyay Ukraine in ay ku xadgudubtay madaxbannaanida Mali.
Ruushka ayaa xiriir dhaw la leh madaxda milatartiga ee maamula dalka Mali, waxaana dalkaasi jooga kana dagaallama askar badan oo katirsan kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka kasoo jeeda ee loo yaqaan Wagner.