Sabti 3, August 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay falkii bahalnimo ee kooxaha AS ku xasuuqeen xalay shacab Soomaaliyeed oo ku fiidsanayay xeebta Liido, inuu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban, oo lagu dabargoynayo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
“Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaas oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi , isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacmay qaraxa.