spot_imgspot_imgspot_img

Turkiga oo Wili Wado Dhaxdhaxaadinta Soomaliya iyo Itoobiya

Sabti 3, August 2024 {HMC} Wasiirka arrimaha Dibadda Dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa gaadhay Magaalada Addis Ababa, Waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Socdaalka ayaa lagu tilmaamay inuu qayb ka yahay sii socodsiinta wax loogu yeedhay wada hadaladii aan miro dhalin ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka ahayd Dowladda Turkiga.

Dowladda Itoobiya ayaa u goor sii horaysay u baaqatay Dowladda Turkiga si ay Soomaaliya Miiska wada hadalka ugu keento isla markaana ay ka heshiiyaan khilaafka culus ee ka dhex qarxay kadib markii Itoobiya qalinka kula duugtay Maamulka Soomaaliland Heshiiskii Badda ee Soomaaliya ka cadhootay.

WARARKA