Khamiis 01 August 2024 {HMC} – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi la socda ayaa maanta gaaray degmada Ceel-Baraf ee katirsan gobalka Shabeellada Dhexe.
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Guddoomiyayaasha Goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Fannaaniin iyo wariyayaal ayaa qeyb ka ahaa wafdiga Madaxweynaha.
Maamulka, Dhaqanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo qeybaha bulshada degmada Ceel-Baraf ayaa si weyn u soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Dowaladda Hirshabeelle.
“Waxaan diirada saari doonaa waqtiga aan halkan joogno sidii nabad waarto loo heli lahaa. Dadkan waa walaalo wada dhashay.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe
Ugu dambeyn Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay shacabka degmada Ceel-Baraf soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdigiisa, waxa uuna kulamo la qaadan doonaa maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada