spot_imgspot_imgspot_img

Golaha amaanka ee QM oo kulan deg deg ah la isugu yeeray Kidib Dilkii Ismaaciil Haniyeh

Khamiis 01 August 2024 {HMC} Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan degdeg ah yeelan doona gelinka dambe ee maanta ka dib markii hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh lagu dilay weerar xagga cirka ah oo lagu qaaday caasimadda Iran, sida ay sheegtay madaxtooyada Ruushka.

Kulanka oo ay codsatay Iran ayna taageerayaan wakiilo ka socda Ruushka, Shiinaha iyo Aljeeriya, ayaa la qorsheeyay 20:00 GMT, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Ruushka, oo haya hoggaanka wareega ee golaha.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in weerarradii ka dhacay Beirut iyo Tehran Talaadadii iyo Arbacadii ay ka dhigan yihiin halis cusub oo ku soo korortay gobolka bariga dhexe oo horeyba xaaladiisu u cakirneyd.

Midowga Yurub ayaa dhinacyada ugu baaqay xakamaynta ugu sarreysa ka dib dilkii madaxa Hamas

Midowga Yurub ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan xiisadda ka dib markii Xamaas ay sheegtay in hoggaamiyahooda siyaasadeed Ismail Haniyeh lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday caasimadda Iran.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan xakamaynta ugu badan oo ay ka fogaadaan wax kasta oo xaalada sii xumaynaya,” ayuu yiri afhayeenka Midowga Yurub Peter Stano. “Ma jiro waddan ka faa’iidaysan kara sii xumaanshaha Bariga Dhexe.” ayuu intaa ku daray afhayeenka oo aan cambaareyn dilka Haniyeh si taxadar leh u hadlayey.

Haniyeh ayaa lagu dilay saacadihii hore ee dalka Iran, taasoo soo jiidatay cabsi laga qabo in uu sii xoogeysto gobolka uu gilgilay dagaalka dhiiga badan ku daatay ee Israel ay ku hayso Qaza iyo colaada sii xumaanaysa ee Lubnaan.

WARARKA