Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Obama oo Ka Hadlay sida uu u arko musharraxnimada Kamala Harris

Jimco 26 July 2024 {HMC} Barack Obama ayaa taageeray qorshaha madaxweyne ku xigeenka ee Kamala Harris, ay ku doonayso in ay noqoto musharraxa metelaya xisbiga Dimuqraaddiga.

Taageeradiisan ayaa soo gebagebaynaysa maalmo ay la isla dhex marayey in uu taageeri doono iyo in kale.

Madaxweynihii hore ee Obama iyo marwadii kowaad ee hore Michelle Obama ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay inay aaminsan yihiin in Ms Harris leedahay “aragtida, dabeecadda, iyo xoogga dalku xilligan xasaasiga ah”.

Mr Obama ayaa lagu soo waramayaa inuu ka mid ahaa in ka badan 100 qof oo caan ah oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga kuwaas oo Ms Harris ay la hadashay ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu Axadii hore ku dhawaaqay inuu ka hadhay tartanka.

Hadal uu jeediyay xilligaas, Mr Obama wuxuu ku ammaanay bixitaanka Mr Biden, laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu taageero Ms Harris. Taas oo dad badan ahski ku abuurtay.

WARARKA