Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ruushka oo Loogu Baaqay In uu Safaarad Rasmi ah Ka Furto Soomaaliya

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dawladda Soomaaliya ayaa u soo jeedisay Ruushka inuu safaarad rasmi ah ka furto caasimadda Muqdisho

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi uu la hadlay warbaahinta Dawladda Ruushka ee RIA Novosti.

Ruushka oo 40 sanno ka hor Muqdisho ku lahaa adeegga diblomaasiyadeed ee ugu weyn gobolka geeska Afrika iyo halka kaliya ee ku taalla badweynta Hindiya ee safaarad uu ku lahaa , ayaa dhowaan soo bandhigay inuu doonayo sare u qaadista xiriirka Soomaaliya

Bishii May ee sannadkan ayaa waxaa Muqdisho soo booqday Safiirka Ruushka ee Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov oo Somalia iyo Jabuuti u qaabilsan Ruushka kaasoo aan degganayn caasimadda Muqdisho.

Waxaa uu kulamo la qaatay madaxda sare ee dalka isagoo sidoo kale ku wareejiyey dowlada Somalia markab siday deeq qamadi ah oo ruushku ugu talao Somalia taasoo gaareysay 25 kun oo tan.

 

 

WARARKA