Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Qaramada midoobay oo ka digtay gaajo ka dhacda dunida

Khamiis 25 July 2024 {HMC} – Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in heerka gaajada adduunku uu weli sarreeyo, iyo in aan la gaarin yoolka ah in la ciribtiro haqab-beelka cuntada iyo nafaqo-xumada dhammaadka tobanka sano.

Warbixinta sanadlaha ah ee haqab-beelka cuntada ayaa lagu sheegay in ku dhawaad ​​boqolkiiba toban dadka aduunka ay saameysay gaajo, halka Afrikana ay tiradaasi laban laab ka badan tahay.

Warbixintu waxay soo bandhigtay dhowr sababood oo arrintan keenay, kuwaas oo isugu jira dagaallo, isbeddel cimilo, iyo sicir-bararka cuntada.

Qaramada Midoobay waxay ku baaqday istaraatiijiyado badan oo la beegsanayo iyo qarash badan si loo horumariyo sugnaanta cuntada ee adduunka oo dhan.

David Laborde oo ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha (FAO) ayaa ku baaqay xeelado badan oo la beegsanayo. Wuxuu sheegay, marka loo eego sanadkii hore, in xaaladdu aysan waxba iska bedelin,

WARARKA