Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowlada Shiinaha oo ku guuleystay in ay Heshiis Kala dhex dhigto kooxaha Falastiniinta ee iska-soo horjeeday

Arbaco 24 July 2024 {HMC} Wakiilada Xamaas iyo fatax oo ay wheliyaan laba iy toban kooxood oo falastiiniyaan ah ayaa ku heshiiyey inay soo afjaraan kala qaybsanaanta dhexdooda ah ayn ka shaqeeyaan midnimadooda ka dib saddex maalmood oo wadahadal ah oo ka dhacay Beijing. Wadahadaladan waxaa garwadeen ka ahayd wasaaradda arrimaha dibada ee Shinaha.

Heshiiska, oo Talaadadii lagu soo gabagabeeyay Shiinaha ka dib seddex maalmood oo wadahadalo ah, ayaa aasaas u ah “dawlad dib u heshiisiin qaran oo ku meel gaar ah” si ay u maamusho Gaza dagaalka ka dib, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi.

Dib-u-heshiisiinta Xamaas iyo Fatax waxay noqon doontaa barta ugu muhiimsan ee wax ka beddelka xiriirka gudaha Falastiin. Labada dhinac ee siyaasadeed Falastiiniyiinta ee ugu waaweyn dhulka falastiiniyiinta ayaa ah kuwo iska soo horjeeday tan iyo markii uu dagaalku qarxay 2006-dii, markaas oo Xamaas ay la wareegtay maamulka Gaza.

Wasiirka arrimaha dibada Shiinaha wang Yi ayaa sheegay in shiinu uu uga mahadcelinayo dadaalada dhinacyadu kala duwani iyo heshiiska ay gaareen.

Bayaanka madasha looga dhawaaqay ayaa lagu sheegay inay saxiixeen 14 kooxood oo dhinaycada Falastiiniyiinta ah.

Dhinacyada heshiiskan saxiixay waxa ka mdi ah kooxda Flastiiniyiinta ee Xamas.

Musa abu Markuus, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas kana mid ahaa madaxda ku sugnaa madasha bayaanka lagu saxiixay ee Beinjin ayaa sheegay inay saxiixeen heshiiska midnimada qaran.

Wa ain aanu ku sii socnaa dariiqa midnimada qaran waana sababata aynu u ilaalinayo midnimadeena iyo qarannimadeena.

Fatah ayaan weli ka hadlin arrintan, inkastoo wakiilkooda Mahmoud al-Aloul uu uga mahadceliyey Shiinaha taageerada ay u muuujiyeen qadiyadda Falastiin.

Waa heshiisyadii ugu dambeeyay ee dhowr heshiis oo Xamaas iyo Fatax ay ku heshiiyeen in ay hagaajiyaan xiriirkoodii, laakiin heshiisyadaasi midkoodna weli ma uusan horseedin in la soo afjaro khilaafka ka dhex taagan.

Maxay ka tiri Israa’iil?

Israel ayaa ka hortimi heshiiskan ay gaareen dhinacyada Flastiiniyiinta waxayna wacad ku martay inay burburin doono Xamas.

Qoraal uu bartiis X ee hore loo oron jiray Twiter soo dhigay wasiirka arrimaha dibadda ee israel, Israel Katz ayuu kaga horyimi heshiiskan.

“Intii uu diidi lahaa argagixisanimada, Maxamuud Cabbaas waxa uu soo dhaweynayaa gacan ku dhiiglayaasha iyo kufsiga Xamaas, isaga oo muujinaya wajigiisa dhabta ah,”

Kala qaybsanaanta qoto dheer ee labadan dhinac ee falastiniyiin waxay bilaabatay 2007- markii madaxweynaha Falastiin ahna hogaamiyaha Fatax Maxamuud Cabaas uu kala diray dowladdii sibahaysiga ee Xamaas hoggaamineysay oo la dhisay markii Xamaas ay ku guuleysatay doorashooyin qaran sanad ka hor.

Wixii markaas ka dambeeyay, maamulka Falastiin ee ay Fatax ayaa waxaa maamulkoodu ku ekaa oo kali ah Daanta Galbeed.

Shiinaha ayaa hore u martigeliyay wadahadal u dhexeeya Xamas iyo Fatah bishii April.

Tallaabada Shiinaha ayaa lagu tilmamaay mid uu ku doonayo in uu door ku yeesho arrimaha gobolka.

Sannadkii hore waxa uu Shiinaha ku guuleystay in ay heshiis gaaran dalalka Iran iyo Sucuudiga si loo soo celiyo xiriirka markii ugu horreysay tan iyo 2016-kii.

Taageerada Shiinaha ee Falastiiniyiinta ayaa ah mid soo jirtay ilaa xilligii hogaamiyaha xisbiga shuuciga ee Shiinaha Mao Zedong.

Heshiiska ayaa ku soo beegmaya xilli uu dagal dad badan ay ku dhinteen uu ka socdo marinka Qaza.

Dagaalka Qaza ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca kumnanaan kale.

WARARKA