spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka ATMIS oo war kasoo saaray dad ay Horay u dileen askartooda

Sabti 20 July 2024 {HMC} Ciidamada howlgalka nabad ilaalinta u jooga dalka ee ATMIS ayaa isbuucii hore labo qof oo shacab ah ku gowracay deegaanka Buulamareer re gobolka Shabeelaha Hoose, halka sidoo kale dhaawac gaarsiiyeen qof kale oo shacab ahaa.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS ayaa looga hadlay dilka askartooda lagu eedeeyay ee ka dhacay deegaanka Buulomareer, waxa ayna sheegeen taliska ATMIS in baaritaanno adag lagu sameyn doono falkaasi askartooda lagu tuhmayo.

‘’Howlgalka Midowga Africa ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya waxa uu si qoto dheer uga walaacsanyahay dhacdo naxdin oo ka dhacday Buulo Mareer 17-kii Luulyo 2024, kaas oo ka dhashay khasaare isugu jirta dhimashada labo qof iyo dhaawaca qof kale,’’ ayaa qoraalka lagu yiri qoraalka.

Taliska ciidamada ATMIS ayaana caddeeyay in baaritaanno qoto dheer lagu sameyn doono kiiskan argagax leh, waxa ayna ballanqaadeen in natiijada baaritaanka in ay lasoo wadaagi doonaan bulshada Soomaaliyeed ayna qaadi doonaan tallaabooyin adag.

Ciidamada ATMIS ayaa isbuucii hore gudaha beer kutaalla deegaanka Buulomareer ku gowracay labo nin oo shacab ah , halka dhaawac culusna gaarsiiyeen nin kale o oday ahaa, falkan ayaana waxaa si weyn uga carooday bulshada Soomaaliyeed.

WARARKA