Arbaco 17 July 2024 {HMC} – Ammaanka Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa la xoojiyey toddobaadyo ka hor markii saraakiisha ammaanka ee Maraykanku ay sheegeen inay ka war heleen qorshe Iiraan ku doonaysay inay ku khaarajiso Trump.
Saraakiisha ayaa sheegay in aysan jirin wax xiriir ah oo la ogyahay oo ka dhaxeeya shirqoolka lagu eedeeyay Iran iyo isku daygii dil ee Sabtidii lagu dhaawacay madaxweynihii hore xilli uu ku sugnaa Pennsylvania.
Balse arrintan ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka ee ah in la adkeeyey ammaanka madaxweynihii hore ayaa dhalinaysa su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan sida Thomas Matthew Crooks oo labaatan sano jir ahaa uu awood ugu yeeshay inuu fuulo dhisme u dhow halka Trump ku sugnaa dabadeedna uu toogto.
Waaxda ilaalada gaarka ah ee Madaxweyneha ee USSS iyo olaha Trump ayaa lagu wargeliyay khatarta Iran, waxaana la kordhiyey ammaanka arrintaas, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan amniga qaranka Mareykanka.
Ilo-wareedyo sirdoon ayaa u sheegay warbaahin CBS, ee Maraykanka in Adeegga Sirdoonku uu xoojiyay ammaanka Trupm, bishii June isagoo ka jawaabaya halista Iran.
CBS ayaa ku warantay in faahfaahinta hawlgalka Iran ee suurtagalka ah lagu helay “xog sirdoon “, waxayna timid iyadoo ay sii kordhayaan hadallada Iiraan ee ku saabsan weerarrada ka dhanka ah Trump.
Trump iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay xoghayihiisii hore ee arrimaha dibadda Mike Pompeo, ayaa hanjabaado kala kulmay Tehran tan iyo markii uu amray duqeyntii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykana ay ku dileen Qassim Suleymani, taliyihii ciidamada Quds ee Iran oo lagu dilay Ciraaq 2020-kii.
Ergada Iran ee Qaramada Midoobay ayaa warbixinta ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna intaa ku dareen in Trump uu yahay “Dambiile ay tahay in la dacweeyo laguna ciqaabo maxkamad sharci ah”.
Anthony Guglielmi, oo ah afhayeenka Adeegga USSS ee Mareykanka, ayaa sheegay in iyaga iyo wakaalado kale ay “si joogto ah u helayaan macluumaad khatar ah oo cusub ka dibna ay qaadeen tallaabo ay kaga hortagayaan halistan, haddii loo baahdo”.
“Kama faalloon karno halis gaar ah, oo aaan ka ahayn in aan sheegno in haya’adu si dhab ah u qaadato hanjabaadaha oo aan uga jawaabno si habboon.”
Ololaha Trump ayaa sheegay in uusan ka hadlin arrimaha ammaanka, waxa uuna su’aalaha BBC u gudbiyay waaxda sirdoonka.
Adrienne Watson, oo ah afhayeen u hadashay Aqalka Cad ee looga arrimiyo amniga qaranka, ayaa sheegtay in saraakiisha ammaanka ee Mareykanka ay “dabo gal ku hayeen hanjabaadaha Iran ee ka dhanka ahaa saraakiishii hore ee maamulka Trump”.
“Khatraha ka imaanaya Iiran ee ay ku go’aansadeen inay ugu aargudaan Qaasim Suleymani ayaa sare u kacay, waxaana u qaadanaynaa arrintan inay tahay arrimaha amniga qaranka iyo kan dalka oo mudnaanta koowaad leh.”ayey tiri Watson
Waxay intaa ku dartay in baaritaanku “aanu aqoonsan xiriirka ka dhexeeya” Crooks iyo “la-hawlgalayaasha ama la-shaqeeyaha, shisheeye ee diba ama gudaha.”
Sanadkii 2022, Waaxda Cadaaladda ayaa ku dhawaaqday eedeymo dambiyeed oo ka dhan ah xubin ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, oo lagu eedeeyay inuu abaabulayay shirqool lagu dilay Mr Bolton.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in qorshahan “ay u badan yahay mid aargoosi u ah” dilkii Sulaymani.
Waxaa isasa soo taraya su’aalaha ku saabsan sida saraakiisha booliiska iyo wakiillada mas’uulka ka ah isu soo baxa ka dhacay goob ku taalla Butler, Pennsylvania, ay ugu oggolaadeen Crooks inuu heerkaaa u dhawaado goobta.
Agaasimaha adeega qarsoon ee USSS, ayaa qirtay in booliska maxaliga ay ku jireen gudaha dhismaha uu Crooks saarnaa saqafka sare, isagooo u jeedadiisu ahay inuu ka toogto Trump meel u jirta halkii uu ku sugnaa 130 mitir.
CBS News, oo ah la-hawlgalayaasha BBC-da ee Mareykanka, ayaa soo warisay in saddex nin oo oo ku hubaysan qoriga toogasha oo booliis ah ay ku jireen dhismaha oo ay arkeen Crooks oo saqafka soo fuulaya.
Waaxda boolisak ee deegaanka oo BBC-du su’aalo u gudbisay ayaa sheegay inaysan masuul ka ahayn halka uu dhismuhu ku yaalo.
Afhayeen u hadlay booliiska gobolka ayaa BBC-da u sheegay in ay bixiyeen “dhammaan agabka” ay codsatay Adeegga USSS, oo ay ku jiraan inta u dhaxaysa 30 ilaa 40 askari oo gudaha ku jira.
Madaxweyne Joe Biden ayaa amar ku bixiyay in dib u eegis madax banaan lagu sameeyo sida ninka hubaysan uu ugu dhawaaday inuu toogto Trump, haya’adda USSS ayaa iyada lafteedu wajahaya baaritaano ka socda Congress-ka.