Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidanka oo Isbitaalka Ku Booqday Askartii Ku Dhawacantay waniille

Talaado 16 July 2024 {HMC} Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta isbitaalka ku booqday geesiyaasha XDS ee shalay jilibka u laabay kooxaha AS ee isku dayay inay dhibaateeyaan shacabka Magaalada waniille ee Gobalka Galgaduud.

Geesiyaasha xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Difaaca deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa shalay cashar aysan hilmaameen u dhigay kooxaha AS, waxaana halkaasi looga dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyad badan.

Taliyaha XDS ayaa caafimaad qab buuxda u rajeeyay askarta geesiyaasha ah ee shalay awoodooda u muujiyay AS, waxuuna dhaqaatiirta kula dardaarmay inay askarta ku bixiyaan dadaal dheeraad ah, waxuun sidoo kale alle uga baryay in Jannada fardowsa uu ka waraabiyo askartii nooga shahiiday Howlgalkaas.

WARARKA