Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ka Dib Dhacdadii Xabsiga Dhexe oo Sababtay in Taliyihii Xabsiga dhexe shaqada laga joojiyey

Isniin 15 July 2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaqada ka joojiyey taliyihii Xabsiga dhexe General Daahir Cabdulle Raage ka dib dhacdadii Xabsiga dhexe ee sababtay Dhimashada ku dhawaad 10 ruux.

Taliyaha ayaa xilkaas si KMG ah ugu magacaabay Sarkaalka lagu magacaabo General Maxamed Xuseen Axmed.

Sidoo kale, waxaa uu guddi u magacaabay baarista kiiskii Xabsiga dhexe iyo shaqaaqadii ka dhacday oo ay sabab u ahaayeen koox ka tirsan Al shabaab oo dil sugayaal ahaa kuwaasoo isku dayey iney ka baxsadaan xabsiga.

Dad badan ayaa weli isweydiinaya sida ay hubka ku heleen Xubnihii Al-Shabaab ee ka dhex dagaalamay Gudaha Xabsiga Dhexe oo mka koobnaa shan xubnood kuwaasoo dhamaantood ay laayeen ciidanka ilaalada xabsiga.

WARARKA