Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Xooga oo Hoowlgalo Ka Sameeyay Xadka Baay iyo Bakool

Isniin 15 July 2024 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal lagu sifeyno AS ka fuliyey deegaanada dhaca dhulka howdka ah ee kala qeybiya gobolada Baay iyo Bakool, si looga hortago dhagarta cadowga.

Howlgalka waxay Ciidanku ku burburiyeen goobo ay AS ah ku qora jireen dhalinyarada ay khaldaan iyo deegaano ay dadka shacabka ah ee mara wadooyinka isku xira gobolada Baay, Bakool iyo Gedo ay ku baadi jireen.

Taliyaha Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Dhamme Axmed Sheekh Cabdiraxmaan oo hogaaminayay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howlgalka lagu burburiyay goobo ay AS dadka ku dhibaateyn jireen, isla markaana ay kusii raad-joogaan firxadkooda.

WARARKA